Dugsiga Farsamada iyo Ganacsiga ee Dowlada
Gian Rinaldo Carli
Dugsiga Farsamada & Ganacsiga ee Dowlada oo loogu magac daray Gian Rinaldo Carli waa dugsi ka mid ah, dugsiyada ugu qadiinsan Tiriyeeste, magaaladaasi waxay leedahay deked talyaani ah, oo ku taala waqooyi-bari ee badda Adriyaatikada Dugsigaas waxaa la aas-aasay 1817, markii magaaladaas ey eheyd dekeda ugu muhiimsan ee imbeeradooriyada Austro-Ungarikada.-
Haatan dugsigu wuxuu leeyahay taqasusyo badan: ardada qaarkood waxay shahaado ku qaataan sida xisaabiyayaal, waxayna bartaan sida loo hayo xisaabaadka shirkada, kuwa kale sida loo dejiyo baraamijka xisaabaatka, waxayna bartaan sida loo dejiyo barnaamijka qalabka elektroonikada, xisaabaatka iyo sida loogu isticmaalo baahida shirkada, qeyb kalena waxay ku takhasusaan barashada luqadaha qalaad, waxayna bartaan sida loo isticmaalo luqadaha, marka ey jirto baahi ku xiran dhadhaqaaq ganacsi.-
Dugsiga laguma barto luqada Soomaaaliga; haddii aad dooneysaan in aad la soo xiriirtaan ardaydayada waan ku faraxsanahay, laakiin waa in aad isticmaashaan luqado kale sida(Talyaaniga, Ingriiska, Fransiiska ama luqada Jarmalka ).
Cinwaankeena bostada elektroonikada waa posta@itccarli.it
Waxaa tixgelin muddan qoraha luqada Soomaaliga Abbas Sufi Fatma oo oggolaatay iney tarjumto.
Ultima revisione della pagina: 06/03/05